Suugaanta soomaalidu, waa qaamuuska iyo qeexaha tagta iyo timaadada soo foolka leh labadaba.Runtii Haddii aad dhugato amma aad dhuuxdo suugaanta ay inoo dhiteeyeen suugaanyahanka soomaaliyeed ,Kuwooda hadda inala nool iyo kuwii alleystayba, waxa ay inooga tageen ama inooga tagayaan, suugaan Aad Odhanayso ;Malaa umaba baahnid hage kale oo aad nolosha ka daalacato”
Sidoo kale ,suugaanteenu waxa ay diirada saartaa oo la hadashaa caqliga iyo garashada ,iyadoo kugu Samaynaysa ;caqli-carin iyo maan-weerar ” Taasoo sababta inay ku xamaasad iyo dagaal galiso kuuna Jihayso iyadu siday rabto amma ku-talo-galkeedu ahaa marka hore ba.Suugaanyahanka iyo Suugaantiisuba, waxa ay kuu sheegtaa marxalada shaqsi ,deegaan iyo dalba ay ku sugnaayeen wakhtigii Amma waagii uu tiriyey/tirisay maansadaas. Waxaan odhan karaa ,iyadaa is-macnayn isugu filan Maansada amma suugaanta soomaalidu asallanba .
Haddiiba aynu soo qaadano qaar ka mid ah suugaanyahankeennii alleystay balse inooga tagay dhida aan duugoobin ,si aynu u hogatusaalayno ula-jeedka qoraalkeenna, waxa aan jecelahay in aan soo qaato alle godka hawnuuree suugaantii abwaan dhoodaan qaar ka mida ,kuwaas oo koobsan doona amma aynu kawada helidoono halbeeggyada dareen-cabir ee suugaanta sidii aynu kor kusoo xusnayna ,waxa uu abwaanku inta badan weerarayaa kobcinta iyo kicinta garaadka iyo garashada iinsaanka .
1.Caqli gacalkii toosaa fekera ,nolosha toolmoon ” Abwaanku wuxuu meeriskan inoogu tibaaxayaa in maanka iyo garashada iinsaanku aad isugu mashquuliso nolol-san marka bulshadiisu tahay mid soo jeeda oo han ahaan ,himilo ahaan iyo higsi nololeed ahaanba sarraysa .Balse haddii bulshadaadu tahay mid hagaastay oo aan lahayn ahdaan quruxsan qudhaadu si kaste oo aad u ragganimo badantahay waatii kula hadha ee ku hanjabisa ummadaasi.
2.Kob la taabto ama lays-tusaad, tab u dawaysaaye
Sidee loo tadaawilikaraa , taws caqliga haysa? cajiib .sida runtii su’aasha abwaanku ina waydiiyey waa mid aan jawaabteeda ka waayey maankayga idinku se in aad kasoo heshaan aan ku rajo weynahaye , sida abwaanku sheegay qofka jidh ahaan kaa xanuunsanaya , dhakhar kula eerataa iyo wadaad tuf leh la raacdaysayaaba wuxuun baad kula tacaashaaye , qof garaadka iyo garashada ka buka maxaal lagula eeranayaa oo u dabiib iyo daawo ah ?
3. Tamar xoogu maahee illeen ,garashadaa taag leh . in aanay sirtu muruqyo waaweynaanta ahayn ee ay tahay maskaxda iyo fahmada alle bixiyo ,sidaa abwaankuba dhayda uga caddeeyey haddaan tusaale ku ladho , dee aadamaha Afrikaan ayaa ugu tudhtudh-roon dhinaca quwada isagaana ugu horumar iyo tamar liita .Halka indho-yarta ama shiinuhuna ugu tafeenno yaryahay uguna tacabka badanyahay .
Q.shaam suldaan